Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad: Trump Wuu Ceyrin Karaa Mueller


Trump Mueller 20180108

Aqalka Cad ayaa Isniintii shalay sheegay in madaxweyne Donald Trump uu leeyahay awood uu ku eryi karo Guddiga Gaarka ah ee loo xilsaaray baaritaanka suurtagalnimada faragelin la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadi Mareykanka ee 2016-ki.

Afhayeenka Aqalka Cad Sara Huckabee Sanders ayaa wariyaasha u sheegtay Talaadadi in lagula taliyay in madaxweynaha uu leeyahay awood uu ku gaaro go,aan uu shaqada kaga joojin karo Robert Mueller oo ah ninka hogaaminaya guddiga.

Khubarro badan oo dhinaca sharciga ah ayaa soo jeediyay in tallaabadani uu madaxweynaha qaadi karo isaga oo sii maraya ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Rod Rosenstein.

Laakin mudanayaal dhowr ah oo ka tirsan xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa uga digay madaxweyne Trump iskudayga ceyrinta Robert Mueller. Waxay sheegeen in tallaabadaasi ay khatar gelin doonto mansabkiisa madaxtinimo, sidoo kalana Mareykanka ka dhalin doonto xasarad dhinaca dastuurka ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG