Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulafada Mareykanka oo Weeraraya Suuriya


Sawirro muujinaya duqeyn ay ciidanka Suuriya u geysanayaan magaalada Douma
Sawirro muujinaya duqeyn ay ciidanka Suuriya u geysanayaan magaalada Douma

Dowlada Mareykanka ayaa Talaadadi shalay kala tashatay xulufadeeda diyaargarowga tallaabo milatari oo ay ka qaado Suuriya, kadib weerar loo adeegsaday hub kiimiko ah oo Sabtidi lagu qaaday deegaan ay maamulaan mucaaradka Suuriya.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Heather Naurt ayaa sheegtay in ay raadinayaan jawaab wadajir ah oo abaabulan oo ay suurtagal tahay in ay noqon doonto tallaabo milatari.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in ay ka shalaayi doonaan kuwi ka danbeeyay weerarki kiimiko ee loo geystay Bariga Ghouta, kaasoo dilay ugu yaraan 40 ruux.

Wuxuu weerarkaasi ku eedeeyay dowlada madaxweyne Bishar Al Asad iyo sidoo kale dowladaha taageera ee kala ah Iran iyo Ruushka.

XS
SM
MD
LG