Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minneapolis: Caqabadaha Guryaha oo Laga Hadlay


Dhowrkii sano ee u danbeeyay waxaa jaaliyadda ka soo jeedda Bariga Afrika ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, waxa soo food saaray caqabado dhanka guryaha ah, kuwaasi oo salka ku haya qiimaha lagu kireeyo guryaha oo aad sare ugu kacay, iyo hirgalinta guryo cusub oo aan laheyn qolal ku filan qoysaska Soomaalida ah iyo kuwa Bariga Afrika oo caruur badan haysta.

Kulan looga hadlayay sidii caqabadahaasi guryaha wax looga qaban lahaa, ayaa waxaa magaalada Minneapolis ku yeeshay maamulka magaalada oo uu horkacayay Duqa magaalada Minneapolis, iyo xubna ka tirsan hoggaamiyayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Wariyaha VOA ee Minnesota Maxamuud Mascadde, ayaa arrimahaasi ka wareystay Asad Khaliif Cali-Wayd oo ah, madaxa hay’adda New American Development Center oo shirkan martigaliyay.

Jawaari oo ku dhawaaqay iscasilaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

XS
SM
MD
LG