Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Diiday Mooshinki Golaha Amaanka ee Falastiin


Palestinians Israel
Palestinians Israel

Dowlada Mareykanka ayaa is hortaagtay mooshin uu soo diyaariyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku baaqaya in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo rasaas nool oo toos ah oo ay ciidamada milatariga Israel u adeegsadeen kumannaan Falastiiniyiin ah oo ku mudaaharaadayay Marinka Gaza.

Diblamaasi ka tirsan Goalaha Amaanka ayaa u xaqiijiyay wakaalada Wararka u baahisa Faransiiska in Mareykanka uu mooshinkaasi.

Saraakiisha maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 15 ruux, iyo dhaawacyada 750 ruux oo dhamaantood lagu dhawaacay rasaas hoos toos ah.

Sabtidi shalay ayaa la aasay dadki ka dhintay Falastiiniyiinta, waxanay wacad ku mareen aargoose.

Ra’isulwasaaraha Israeli, Benjamin Netanyahu ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay ciidamada rasaasta ku furay mudaaharaadayaasha reer Falastiin. Wuxuu sheegay in Israel waxay u falcelisay sidi ay u difaaci laheyd madaxbanaanideeda iyo muwaadiniinteeda.

XS
SM
MD
LG