Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil Sababay Khasaaro Nafeed oo Ka Dhacay Turkiga


Shilka Ka Dhacay Turkiga
Shilka Ka Dhacay Turkiga

Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay 36 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib marki baabuur bas ah oo ay la socdeen uu Jimcihii maanta ku rogmaday bariga dalka Turkiga.

Goob-joogayaasha ayaa sheegay in gaariga uu ku dhacay mid ka mid ah baallayaasha nalalka ee ku tixan waddada, kadibna uu gaariga dab qabsaday.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira darawalkii baabuurka. Dhaawacyada ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka magaalada Igdir, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada.

Gudoomiyaha magaalada Igdir, Enver Unlu ayaa sheegay in dadka qaar ay ku dhinteen isla goobta. Hallka kuwo kalana uu jiiray baabuur kale oo ka danbeeyay.

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warrantay in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilka baabuur ay ahaayeen muhaajiriin si sharci darro ah kusoo galay Turkiga.

Wakaalada ayaa sheegtay in dadkani kasoo jeedaan dalalka Afghan, Pakistan iyo Iran. Waxay kasoo tallaabeen xadka Turkiga uu la wadaago Iran.

XS
SM
MD
LG