Gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cakta Giriiga ayaa muddo saddex sano ah ka mamnuucay dhamaan garoonada kubada cakta Ivan Savvidisoo ah gudoomiyaha kooxda PAOK Salonika, kadib marki uu bistoolad lasoo galay garoonka xilli ay ka socotay ciyaar heerka koowaad ah.
Kooxdiisa Salonika ayaa sidoo kale la dul dhigay ganaax ah in laga xayuubiyay saddex dhibcood taasoo soo gaba gabeysay rajadi ay ka laheyd hanashada horyaalka Giriisga.
Savvidis, oo ah ganacsade asal ahaan kasoo jeeda dalka Georgia, ayaa isaga oo ordaya bistooladna ku hubyesan galay garoonka, kadib marki kooxdiisa laga diiday gool ay ka dhalisay kooxda AEK Athens oo ay ku loolamayaan horyaalka Giriiga ee xilli ciyaareedkan. Dhacdadan ayaa dhacday 11-ki bishii March.
Arintaasi waxay keentay in la joojiyo dhamaan ciyaarihi kubada cakta ee dalka Giriiga, kadib marki uu xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA uu walaac ka muujiyay amniga garoomada kubada cakta ee dalkaasi.
Talaadadi ayay dowlada Giriiga qaadday xayiraadi saarneyd ciyaaraha kubada cakta ee dalkaasi, waxaana lagu wadaa in horyaalka Super Liiga Giriiga uu dib u bilowdo dhamaadka todobaadkan.