Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo Baareysa Cunsuriyad Lagu Eedeeyay Taageerayaasha Xulka Russia


Gudoomiyaha FIFA Gianni Infantino.
Gudoomiyaha FIFA Gianni Infantino.

Xiriirka kubadda cakta aduunka ee loo soo gaabiyo FIFA ayaa Arbacadi sheegay inuu bilaabay baaritaan ku saabsan xadgudub dhinaca cunsuriyada ah oo lagula kacay qaar ka mid ah ciyaartooyda madawga ah ee u ciyaara xulka qaranka France.

Qaar ka mid ah taageerayaasha xulka Russia ayaa lagu eedeeyay in ay hadallo ay ka mid ahaayeen daayeer ku dhahayeen mar walba oo ay kubadda qabsadaan qaar ka mid ah xidigaha madowga ah ee France, inti ay socotay ciyaar saaxibtinimo oo Talaadadi magaalada St Petersburg ku dhexmartay Ruushka iyo Faransiiska.


Dhacdadani ayaa kusoo beegantay xilli saddex bilood oo kaliyah ay ka harsanyihiin ciyaaraha koobka aduunka ee 14-ka June ka bilaaban doona dalka Ruushka.

XS
SM
MD
LG