Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malala Yousafzai oo horay ugu guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu laabatay wadanka ay kasoo jeeddo ee Pakistan, ku dhawaad lix sannadood kadib marki ay maleeshiyo mintidiin ah ku toogteen dooxada Swat ee Waqooyigalbeed Pakistan.

Saraakiisha ayaa sheegay in Malala oo ah 20 jir u ololeysa waxbarashada gabdhaha dunida ay magaalada Islamabad kula kulantay Ra’isulwasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi, waxay sidoo kale la kulmi doontaa wakiillo ka kala socda ururada bulshada rayidka ah.

Malala ayaa nafteeda halis u gelisay u ololeynta waxbarashada gabdhaha. Bishii October ee sannadki 2012-ki ayay maleeshiyo hubeysan oo wajiga soo duubatay joojiyeen baabuur ka keenay Iskuulka kadibna madaxa ka toogtay Malala.

Malala oo ka dhaawacantay lafaha madaxa ayaa markiiba gargaar caafimaad oo deg deg ah ka heshay isbitaal ay leeyihiin milatariga Pakistan ka hor inta aanan loo qaadin dalka Ingiriiska oo lagu daweeyay.

Kooxda Talipan ayaa sheegatay weerarka Malala ee xiligaasi. Waxay ku eedeeyeen in ay buun buunineysay dhaqanka galbeedka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG