Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa ku canaantay Ruushka dabaceedahooda mas’uuliyadda ka fog iyo halisahooda sida uu yiri Mattis, kaas oo intaas ku daray inay iska caddahay in Moscow ay ka dambeyso weerarkii sunta neerfaha ee lagu weeraray basaas hore oo Ruushiyan ahaa, kaas oo isaga iyo gabadhiisa la isku dayay in lagu dilo dalka Britain toddobaadyo ka hor.
Mattis, ayaa dhacdadaasi cambaareyey, mar uu wariyayaasha kula hadlay xarrunta wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon.
Weerarkaasi oo Ruushka lagu eedeyay ayaa keentay in dalal badan ay cambaareeyaan ayna diblumaasiyiin ka eryaan dalalkooda.
Aqalka Cad ayaa Talaadadii sheegey in 25 waddan ay eryeen in ka badan 150 sirdoon oo Ruushiyaan ah, kuwaas oo ku shaqeynayay qaab isku qarin dublumaasiyadeed, waxana Washington ay rajo ka leedahay in dalal kale ay sidaasi sameeyaan.