Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumanaan Ruux oo Laga Daad-gureeyay Bariga Ghouta


bas dadka ka guraya Bariga Ghouta, Syria.
bas dadka ka guraya Bariga Ghouta, Syria.

Dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa sheegay in dad ka badan 105,000 oo ruux oo ay ku jiraan 7,000 oo dagaalyahanno ah ay ka baxeen bariga Ghouta iyo deegaanada ku hareereysan.

Kumannaan dagaalyahanno ah iyo qoysaskooda ayaa aagaasi waxaa looga daadgureeyay basas kadib marki uu heshiis dhexmaray jabhadda Faylaq al-Rahman iyo dowlada Suuriya oo kaashaneysa Ruushka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dagaalyahannada Faylaq al-Rahman ay ciidanka Suuriya ku wareejiso dhulka ay heysato ee Ghouta oo ay ku jiraan Arbeen, Zamalka, Ein Tarma iyo Jobar. Dowlada ayaa ugu baddaleysa in kooxdan iyo qoysaskooda la siinayo waddo nabad ah oo ay kaga baxaan Bariga Guuta si ay u aadaan gobolka Idlib.

Bayaan Jimcihi kasoo baxay Mucaaradka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu sidoo kale ogolaanayo in Hey’adaha Gargaarka ay tagi karaan Guuta si ay u caawiyaan dadka gargaarka deg dega ah u baahan.

XS
SM
MD
LG