Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xi Jinping: Waxaan Heynaa Waddada Saxda ah ee Guusha


Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa jeediyay khudbad waddaniyad ah Talaadadan maanta ah xilli uu hadal xidhitaan ah uu u jeedinayay ergada ka socotay baarlamaanka aan lahayn awood badan.

Xi ayaa u sheegay ku dhawaad 3 kun oo ergey oo ku sugan shirkan in Shiinuhu uu waddada saxda ahaa ee guusha uu hayo.

Waxaana uu sheegay in tariikhdu ay caddaysay isla markaana ay sii muujin doonto in kaliya hanti wadaagu uu badbaadin karo Shiinaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu fashil ku dhammaaday isku dayga Taiwan looga jarayo Shiinaha, inkastoo Taiwan ay si gaar ah oo dimuqraadi ah isu maamusho.

Kahor inta aan kulanka la soo gebagabayn ayay meelmariyeen wax ka badan lagu sameeyey dastuurka kaasi oo meesha ka saaraya muddo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa isla markaana Xi u ogolaanaya inuu xilika sii joogo ilaa muddo aan cayimnayn.

XS
SM
MD
LG