Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Ruushka oo Doorasho u Dareeray


Dadweynaha Ruushka ayaa maanta u dareeray sanaadiiqda cod-bixinta si ay u doortaan Madaxweynaha soo socda. Waxaana hubanti ah in uu kusoo bixi doono madaxweynaha hadda xilka haya, Vladimer Putin, kaas oo dalkaasi soo hogaaminayay muddo 18 sano ah.

Waxa uu la tartamayaa 6 murashax, hase yeeshee midkoodna halis muuqata kuma hayo Madaxweynaha. Waxaa la filayaa in Putin uu helo in kabada 50% codadka doorashada, hase yeeshee kooxdiisa doorashadu waxa ay rajeynaysaa in uu ku guuleysto 70%

Doorashada maanta ayaa ku fidsan ilaa 11 aag xilliyeed, kuwaasoo ka biilaabanaya bariga fog kuna dhamaanaya badda Baltic-a. Waxaa is-diiwaan-geliyay ku dhawaad 109 milyan oo ruux si ay codkooda u dhiibtaan. Hay'adda aftida qaadda ee ay dowladdu leeyahay VCIOM ayaa sheegtay in ka qeyb galka doorashadu uu gaarayo 71%.

Hase yeeshee Hey'ad aan dowli aheyn oo dhinaca cilmi baarista qaabilsan ayaa daraasad ay soo saartay ku sheegtay in 58% dadka Ruushku ay qorsheynayaan in aanay codkooda dhiiban.

XS
SM
MD
LG