Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Doonaya in uu Baddalo McMaster


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa go’aansaday in uu lataliyihiisa dhanka amniga qaranka, Herbert Raymond McMaster uu ka baddalo xilkaasi, sida uu baahiyey Wargeyska Washington Post, Khamiisti.

Wargeyska yaa sheegey in uusan madaxweynuhu dooneyn in uu ku deg dego ku dhawaaqista arrintaasi.

Xil ka qaadista McMaster, ayaa qeyb ka noqon doontaa is baddalo waaweyn oo lagu sameeynaayo waaxyaha sare ee Aqalka Cad ee maamulka Trump.

Trump, ayaa sheegey Khamiistii in uu markaste jiri doono is baddalo, waxana uu wariyayaasha u sheegey in uu jecel yahay in uu arko afkaar kala geddisan.

Donald Trump, ayaa isbuucan shaqada ka eryay xog-yahisa arrimaha dibbadda, Rex Tillerson, xilli uu safar dibadda uga maqnaa.

XS
SM
MD
LG