Kumanaan arday ah iyo macalimiinta in ka badan 3 kun oo dugisyada hoose, dhexe, sare iyo qaar ka mid ah jaamcadaha dalkan Mareykanka ah ayaa maanta fasaladooda dibadda uga soo baxay si ey u xusuustaan 17-kii arday ee ku dhintay bil ka hor weerar lagu qaaday dugsi sare oo ku yaalla Parkland, Florida.
Ardayda ayaa markii ay saacadda magaalooyinkooda ay ku beegneyd 10-kii aroornima iskuulada dibadda uga soo baxay muddo 17 daqiiqa ah iyagoo daqiiqad kasta ku xasuusanayay 17-kii arday ee weerarkii Parkaland ku dhintay, waxaa sidoo kale ay ka dalbadeen Kongareeska Mareykanka in la soo af jaro dhaqanka toogashada dad aan waxba galabsan, lana helo sharci lagu xakameeyo qoryaha.
Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay, Dr. Axmed Cabdullahi Canjeero oo ah maamule ku xigeenka dugisga sare ee Dearing ee magaalada Portland, gobolka Maine.