Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Dimuqraaddiga oo Sii Wadaya Baaritsta Ruushka


Mudanayaasha Dimuqraadka ee xubinta ka ah guddiga sirdoonka ee aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaa sheegay inay si wadi doonaan baarista la xiriirtaa faragalinta Ruushku ku sameeyay doorashadii Maraykanka.

Hadalkan ayaa daba socda warkii ay xubnaha jamhuuriga ah ee aqlabiyadda guddigaasi ay ku sheegeen in ay dhamaatay baarista arrintaasi ku saabsan.

Xubnaha dimuqraadiga ayaa soo saaray qoraal ka kooban 22 bog oo ay ku xuseen qodabbada sababta u noqon kara in dambibaaristu ay sii socoto si xaqiiqada loo ogaado.

XS
SM
MD
LG