Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sierra Leone oo laga Qabanayo Doorasho Ku Celis ah


Chairman of Sierra Leone's National Electoral Commission, Mohamed Nfa'ali Conteh, announces the results of the first round of Sierra Leone presidential election in Freetown, Sierra Leone, March 13, 2018.

Dad reer Sierra Leone ayaa muddo laba todobaad gudahood ah u dareeri doona doorasho labaad oo ku celis ah, kadib marki ay 16 musharax oo u tartamay wareegi koowaad ee doorashadi madaxtinimada uu midkoona heli waayay tiradi la rabay ee boqolkiiba 55.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, Mohammed Nfa'ali Conteh ayaa xalay ku dhawaaqay in wareega labaad ay ku tartami doonaan Dr. Samura Matthew Wilson Kamara oo ka socda xisbiga All People's Congress iyo Julius Maada Bio oo ka sharraxan xisbiga Sierra Leone People's Party.

Madaxweynaha hadda talada haya Ernest Bai Koroma ayaa ku khasban inuu xilka ka dago dhamaadka sannadkan, kadib marki uu dhameystay labada xilli ee uu u ogolyahay dastuurka dalkaasi.

Wareegii koowaad ee doorashada Sierra Leone ayaa u dhacday si nabad ah, balse hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda in ay xaqiijiso in dadka reer Sierra Leonean ay six or ah u ololeyn karaan wareega labaad ee kala baxa ah ee doorashada.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG