Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Eryay Tillerson


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii ka eryay Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, isagoo ku beddelay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, Mike Pompeo.

Madaxweyne Trump ayaa eryidda Tillerson iyo magacaabista Pompeo ku shaaciyay fariin dhinaca Twitterka uu soo dhigay.

Waxa uu yiri “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysay haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.”

Eryidda Tillerson, ayaa waxay ku soo beegmaysaa isagoo safar shaqo ah ugu maqan qaaradda Afrika.

Faarax Aw Maxamuud Maxamed oo ah qoraa kana faallooda arrimaha Maraykanka, ayuu uga waramay arrimahani Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Guddoomiyaha Bakool oo dagaallada ka hadlay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00

XS
SM
MD
LG