Isku xirrada

War Deg-Deg ah

McMaster: Cadaadiska K.Waqooyi Waa Mid Shaqeynaya


La taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka ayaa Isniintii shalay sheegay in Maraykanka ay ka go’antahay inuu sii wado siyaasadda uu Kuuriyada Waqooyi ku saarayo cadaadiska xooggan ee dhanka hubka nugliyerka.

Jeneral McMaster ayaa u jooga magaalada New York si uu warbixin u siiyo safiirada 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ee Q.M. iyo waliba Jabbaan iyo Kuuriyada Koonfureed.

McMaster, ayaa ragga wararka fidiya u sheegey in hannaanka maamulku uu u marayo arrintan iyadoo ay ku jirto cunaqabatayn xooggan oo caalami ah ay muujinayso horrumar.

Waxaana uu sheegay in uu diblomaasiyiinta uu uga warbixiyey ujeeddada Maraykanka ee ah in la sii wado cadaadiska la saarayo Kuuriyada Waqooyi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG