Isku xirrada

War Deg-Deg ah

K. Koonfureed oo Shiinaha ku Ammaantay Dadaallada Wada-hadal ee K.Waqooyi


La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa Isniinta maanta ah dalka Shiinaha ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay in dalka Kuuriyada Waqooyi uu ku qanciyo wadahadallada baabi’inta hubka nugliyerka.

Kulan uu Chung Eui-yong, La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Kuuriyada Koonfureed la yeeshay Yang Jiechi oo ah sarkaal sare oo wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ka tirsan ayaa keenay in toddobaadyo ka dib lagu dhawaaqo kulan loo qorsheeyey inuu dhex maro madaxweynaha Maraykanka D. Trump iyo ka Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un.

Sarkaalka Shiinaha, Mr. Yang ayaa carrabka ku adkeeyey in Shiinuhu uu doonayo inuu arko in wadahadal lagu dhameeyo baabi’inta hubka nuclearka ee yaalla dhulka jasiiradda u eg ee Kuuriya.

Saraakiisha Maraykanka ayaa dhinacooda ku carrabka ku adkeeyey in wax tanaasul ah ayna u sameynaynin Kuuriyada Woqoyi ka hor shir madaxeedka la faliyo, isla markaana ay sii wadi doonaan in dalkaas ay cadaadiska ku sii wadaan.

XS
SM
MD
LG