Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Kama Noqon Doonno Kordhinta Canshuurta Birta Mareykanka La Keeno


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii shalay sheegay in dawladda Maraykanku aysan ka noqon doonin qorshaha ay ku rabto in 25% ay ku kordhiso cashuurta laga qaado birta loo soo dhoofiyo Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidaasi sheegay ka hor intii aanu la kulmin Ra’isal wasaaraha Israel Benyamin Netenyahu oo booqasha ku yimid Washington.

Laakin madaxweyne Trump ayaa sheegay inay suurtagal tahay in Mexico iyo Canada laga reebi karo cashuurtaasi haddii ay ogolaadaan in dib loo furo wadahadallo cusub oo ku saabsan wax-ka beddelka heshiika isdhaafisga ganacsi ee NAFTA loo yaqaano .

XS
SM
MD
LG