Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka: Haka Baxaan Maleeshiyaadka Deegaanka Ghouta


Wasiirka gaashaandhiga ee Ruushka Sergey Shoygu ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in dadka rayidka ah iyo maleeshiyaadka jabhadaha ee ku sugan deegaanka Ghouta ee dalka Syria ay adeegsan karaan marinnada loogu talagalay in dadka barakacayaasha ay maraan.

Deegaanka Ghouta ayaa waxaa ku hareeraysan ciidamada Syria oo taageero ka helaya xulafada Ruushka.

Wasiirka ayaa sheegay in maleeshiyaadka mucaaradku ay hubkooda iyo qoysaskooda la mari karaan marinnada loo furay barakacayaasha go’doonsan.

Wasiirka gaashaandhiga ruushku ma sheegin halka ay maleeshiyaadka mucaaradku u kici doonaan marka ay ka baxaan Ghouta.

Isniintii shalay ayaa kolonyo gaadiid ah oo raashin iyo gargaar u waday dadka ku go’doonsan bariga Ghouta ayaa dib u noqday ka dib markii ciidamada dawladda Syria ay sii wadeen duqaynta ay u gaysnayaan deegaanadaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG