Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bashar al-Assad oo Wacad ku Marey Sii Wadidda Howl-gallada Ghouta


Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa Axaddii wacad ku maray in milatarigiisu aanu joojin doonin howl-gallada ay ka wadaan bariga Ghouta ee duleedka magaalada Dimishiq halkaas oo ay ku xooggan yihiin mucaaradka.

Khudbad laga sii daayay TV-ga ayuu al-Assad ku sheegay in uu sii socon doono wax uu ugu yeeray howl-galka ka dhanka ah argagixisada, xilli buu yiri ay iyana socon doonaan howlaha aaggaasi looga soo daad gureynayo dadka rayidka ah.

Hadalka madaxweyne Bashar al-Assad ayaa imanaya iyadoo ay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Reysal wasaaraha Ingriiska Theresa May ay isku raaceen in mas'uuliyadda dhibaatada soo gaartay dadka rayidka ah ee bariga Ghouta ay qaadanayaan Ruushka iyo Suuriya.

XS
SM
MD
LG