Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Baaritaannada Faragalinta Ruushka ee Doorashada oo si Xawli u Socota


Baaritaannada lagu sameynaayo in Ruushku uu ku lug yeeshay doorashadii madaxtinnimada Mareykanka ee 2016 iyo in kale, ayayaa todobaadyadii ugu dambeeyay u socdey si xawli ah, waxaana baaritaannadaasi ay ku sii dhawaanayaan xilliga doorashada Kongereeska ee dhici doonta bisha November.

Maamulihii hore ee ololaha doorashada Trump, Paul Manafort, ayaa mar kale hor tagey maxkamad heer federal ah shaley oo Arbaca aheyd gudaha magaaladan Washington, isagoo sheegey inuusan wax danbi ku laheyn eedihii ugu danbeeyey ee la hor keeney.

Todobaadkii hore, Rick Gates, ku xigeenkii hore ee Paul Manafort, ayaa qirtey danbiyadii loo heystey taasoo ay ka mid aheyd inuu been u sheegey dacwad oogayaasha baarayey irrintiisa.

Bartamihii bishii February, ayaa waxaa dacwad lagu soo oogey 13 qof oo u dhashey dlka Ruushka kuwaasoo lala xiriiriyey in ay farageliyeen doorashadii Mareykanka.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, Rod Rosenstein, ayaa arrinta faragalinta ku tilmaamey dadaal la doonayo in lagu dhaawaco kalsoonida shacabka ee dimoqraadiyadda taasoo uu sheegey in ay tahay mid aan la aqbali karin inay ku guuleystaan Ruushka.

XS
SM
MD
LG