Mid ka mid ah xildhibananada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa si weyn ugu dhalleeceeyey dawladda inay mas’uul ka tahay bixitanka macallimiinta ay ka baxayana gobolkaasi.
Rashiid Qaasim Nuur oo laga soo doorto bariga Wajeer oo ahayd halkii dhowaan uu ka dhacay weerarka lagu dilay labada macallin ayaa sheegay in bixitaanka macallimiinta uu dib dhac weyn ku yahay gobolka. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay arrintaasi iyo doorka dawladda ee amniga.