Dawlad Degaanka Ismaamulka Soomaaldia Itoobiya ayaa dhowaan sheegtay inay xabsiga kasii daysay maxaabiis dhan ilaa 1500 qof oo loo hayey dambiyo kala duwan.
Haddaba qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka ayaa soo jeediyey eedayn ah in dib loo xiray qaar ka mid ah dadkii la sheegay in lasii daayey.
Maxamed Ismaaciil Sheekh Cumar waxa uu sheegay inuu yahay guddoomiyaha Isbahaysiga Caddaaladda Deegaanka Soomaalida, kuna sugan magaalada Minneapolis. Nuur Bukhaari ayuu uga warramay sida uu u arko maxaabiista lasii daayey.
Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin inaan la xiriirnay mas’uuliyiinta Itoobiya gaar ahana kuwa ismamaulka Soomaalida Itoobiya balse aysan weli noo suurto gelin inaan khadka telefoonka ku helno wakiilladooda warbaahinta.
Hase yeeshee Khamiistii dhowayd, waxaan waraysanay Maxamed Bile Xasan oo ah la-taliyaha dhinaca warbaahinta ee madaxweynaha dawlad deganaka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar. Isgaoo ka hadlaya maxaabiista la sii daayey ayuu Falastiin Axmed Iimaan u sheegay sidan: