Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF oo ka Hadashay Maxaabiis la sii Daayey


Ururka ONLF ayaa soo dhoweeyey maxaabiista dhowaan ay xabsiga kasii daysay Dawlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo sheegtay in xabsiga laga sii daayey ilaa 1,500 oo ah maxaabiis ku jireen kuwo nabad-diid ah, eraygaasi oo maamulku inta badan ula jeedo ururka ONLF. Af-hayeen u hadlay maamulkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Bile Xasan ayaa VOA Khamiistii uga warramay maxaabiista lasii daayey.

Dhinaca kale, Af-hayeenka ururka ONLF, Cabdulqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in ururka uu tallaabadaas soo dhaweynayo, hase yeeshee loo baahan in la hubiyo tirada dadka ay Dawlad-deegaanku sheegtay in la sii daayey. Caasha Ibraahim Aadan ayuu arrimahaas uga waramay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:07 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG