Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rick Gates oo Qirtey Labo Danbi


Madaxdii hore ee ololaha madaxweyne Donald Trump, Paul Manafort iyo Rick Gates ayaa cadaadis badan oo uga yimid guddiga baaraya faragelinta la sheegay in uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Mareykanka ka dhacdey 2016, waxaa ay kala qaateen go-aamo kala gedisan.

Rick Gates ayaa qirtey danbiyadi lagu soo eedeeyey labo ka mid ah, halka Paul Manafort uu wajahayo eedeymo horleh.

Rick Gates oo 45 jir ah ayaa tagey maxkamad federal ah oo ku taal magaalada Washington, DC ee dalka Mareykanka, si u qirto hal danbi oo ku saabsan in uu ka soo horjeestey dalka Mareykanka iyo mid labaad oo ah in uu been u sheegay FBI-da, gaar ahaan uu gudiga uu hogaaminayo Robert Mueller ee baarayo faragelinta la sheegay in uu Ruushku ku sameeyey doorashadi Mareykanka ee Donald Trump uu madaxweynanimada ku helay.

XS
SM
MD
LG