Dawladda Itoobiya iyo ururka ONLF ayaa wada hadal uga furmey dalka Kenya, kaas oo la doonaayo in lagu dhammeeyo colaadda muddada dheer ka taagan gobolka ismaamulka Soomaalida.
Haddaba, maxay doonayaan labada dhinac? Maxaase caqabad noqon kara? Haaruun Macruuf ayaa arrimshan ka waraysatay Rashiuid Cabdi, madaxa hay'adda la socota xasaradaha ee ICG ee geeska Afrika.