Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ellen Johnson Sirleaf oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Mo Ibrahim


Madaxweynihi hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf, Morovia, 12 February 2018.

Madaxweynihi hore ee dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Mo Ibrahim ee la siiyo madaxweynayaasha Africa ee dalalkooda ku hogaamiya hannaanka dowlad wanaaga, xilkana u wareejiya si dimoqraadi ah.

Johnson Sirleaf ayaa bishi hore si nabad ah xilka ugu wareejisay madaxweynaha cusub ee Liberia George Weah, kadib marki ay dhameystay laba jeer oo is xigta oo ay min lix sano dalkaasi soo maamushay.

Xil wareejinteedi bishi hore ayaa noqotay tii ugu horreeysay oo Liberia ka dhacda tan iyo sanadki 1944.

Abaalmarinta dowlad wanaaga Africa ee Mo Ibrahim, ayaa waxaa aas aasay Mo Ibrahim oo ah ganacsade u dhashay dalka Sudan oo nin leh shirkado waaweyn dhinaca isgaarsiinta ah.

Qofki ku guuleysta waxa uu helayaa 5 milyan oo dollarka Mareykanka ah iyo sannad walba oo la siin doono 200,000 oo dollar oo inta noloshiisa dhiman ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG