Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Congress-ka oo Ansixiyay Miisaaniyad Cusub


Aqalka wakiillada Mareykanka ayaa iyaguna raacay waddadii senetka si loogu codeeyo, dib-na loogu furo shaqadii dowladda federaalka, taas oo saqdii dhexe ee Khamiistii ku ekeyd miisaaniyadda dowladda.

Senetka Mareykanka ayaa markii hore u codeeyay dib u furidda shaqada dowladda federaalka ee miisaaniyadda.

Sharci dejiyayaasha ayaa ku codeeyay 71 oo haa aheyd iyo 28 oo maya tiri, horraantii Jimcaha. Taasi waxay keentay in shaqadii dowladda dib loo billaabo.

Aqalka wakiillada, ayaa iyaguna raacey waddada senetka ka hor inta aanu waaga beryin, Jimcihii. Sharcigan cusub ayaa loo dirayaa madaxweyne Trump si uu u saxiixo.

Warbixintan waxaa inoo haya Jamaac Buulle Jaamac.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:38 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG