Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qareennada Trump oo Ka Digey Wareysiga Mueller


Qareennada madadaxweynaha Mareykanka Doland Trump, ayaa kula talinaya madaxweynuhu inuusan oggolaan wareysi uu damacsan yahay baaraha gaarka ah ee Robert Mueller, sida uu wargeyska New York Times baahiyay Isniintii.

Kooxda Mueller, ayaa durba la hadlay ashqaas kala gaddisan oo Aqalka Cad ka tirsan iyo kuwa kale oo ku lug lahaa olilihii doorashada madaxtinnimo ee Trump.

Wareysiyadaasi ayaa qeyb ka ah baaritaannada ku aaddan haddii uu Ruushku farageliyay doorashadii 2016 iyo haddii madaxweyen Trump markii uu ceyrinayay agaasimihii hore ee FBI-da James Comey uu qorshihiisu ahaa in uu caddaaladda hor-is-taago.

Sida uu wargeyska ka soo xigtay afar ka mid ahaa dadkii arrintaasi lagala hadlay, waxay qareennada ka cabsi qabaan in madaxweyne Trump uu bixiyo warbixinno been ah ama kuwa iska hor-imanaya, taas oo sababi karta in lagu soo oogo eedeymo la xiriira in uu been u sheegey baarayaasha heerka federaal.

XS
SM
MD
LG