Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Isniintii shalay inay dib u bilaabeyso aqbalidda qaxootiga ka imaanaya 11 waddan, oo dadkii ka imaanayay uu hore u mamnuucay maamulka madaxweyen Trump.
Dhinaca kale, Mareykanku waxa uu sheegay in dadka la aqbalayo la marsiin doono baaris adag si loo hubiyo in aaney halis ku aheyn amaanka Mareykanka.
Sahra Cabdi Axmed ayaa arintan warbixin kooban nooga heysa.