Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti Dhalashada Maraykanka Helay


Iyadoo wali ay meesheedii tahay Wareegtadii dhinaca socdaalka ee Madaxweynaha Maraykanka D. Trump, taas oo ka dhan ah dhowr wadan oo Muslim ah oo Somaliyana ay ku jirto, ayaa waxaa wali dalkan Mareykanka gudihiisa helaya sharciga dhalashada dad qaxootinimo Maraykanka ku yimid
Xaflad Todobaadkan ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa dad gaaraya Labo Boqol iyo Dhowr qof oo badi Afrikaan ahaa, Somalina ay u badnaayeen ay heleen dhalashada Mareykanka.

Xafladii dadkan lagu gudoonsiiyey dhalashada waxaa goobjoog ahaa hay’adaha u doodo xuquuqda dadka soo galootiga ah, Xeerbeegti iyo Qaadiyo kasocdo gobolka Ohio, iyo waliba ehelada iyo saxiibada dadka dhalashada la gudoonsiinayey.

Wariyaheena Sahra Cabdi Axmed oo xafladdan goob joog ka ahayd ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa inooga diyaarisey.

Dhageyso Dhalashada Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:27 0:00

XS
SM
MD
LG