Ra'isul wasaaraha Itoobiya,Hailemariam Desalegn, ayaa booqasho laba maalin qaadaneysa ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar, Arbacadii shalay.
Waxa uu kulan la leeyahay madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi, kuwaas oo kawada xaajoonaya muranka labada waddan ka dhaxeeya ee ku aaddan biyaha wabiga Nile iyo biya xireenka Itoobiya ee ay Masar ka baqeyso inuu hoos u dhigo qeybtii ay ka heli jirtay biyaha wabiga.
Xuseen Saxnuuni Cusmaan Xuseen ayaa warbixintan ka soo diray Qaahira.