Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bannon oo Su'aallo Lagu Weydiiyay Congress-ka


Steve Bannon oo ah madaxii dhinaca Straatijiyadda ee Aqalka Cad ayaa Talaadadii shalay ay sharci dejiyeyaasha Maraykanka su’aalo ka weydiiyey arrinta la xiriirta faragaliintii dalwadda Ruushka ee doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka ee sanadkii 2016kii.

Steve Bannon oo ololaha Trump qeyb weyn ka ahaa, isla markaana muddo 7 bilood ah la taliye sare ka ahaa Aqalka Cad ayaa kulan ay albaabadu u xiran yihiin waxa wareysi kula yeeshay guddiga sirdoonka ee Aqalka Hoose ee congresska Maraykanka.

Dhina kale, wargeyska The New York Times ayaa qoray in Robert Mueller oo ah ninka baariaya arrinta faragalinta Ruushka uu toddobaadkii hore warqad u diray Mr. Bannon si uu uga hor markhaati furo guddi xeer beegti ah oo baaraya xiriirka ololihii Trump iyo dalwadda Ruushka.

Steve Bannon ayaa sii wada inuu muujiyo taageerada uu u hayo madaxweyne Trump, hase yeeshee, xiriirka labadooda ayaa xumaaday markii uu soo baxay buug uu qoray nin lagu magaabo Micheal Wolff, kaas si adag wax uga sheegay ololihii doorashada iyo bilihii u horeeyey ee maamulka Trump.

XS
SM
MD
LG