Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Maxkamadda Sare oo La Weydiiyay inay Joojiso Go'aan Xaakim


Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay qaadi doonto talaabo ay maxkamadda Sare ku weydiisanayaan in ay baabi’iso go’aaan ka soo baxay xaakim ku sugan California oo ka horjoogsaday in ay la soo afjaro barnaamijka DACA oo ah barnaamij khuseeya dad iyaga oo yaryar ay waalidkood si sharco darro ah Maraykanka ku keeneen.

Maamulka Trump ayaa Talaadadii shalay sheegay in ay xerayn doonaan warqad ay Maxkamadda Sare ku weydiisanayaan inay barnaamijkan dib u eegto.

Xeer Ilaaliyaha Guud Jeff Session ayaa sharxay talaabadan isaga oo sheegay in sharciga iyo caqliguba ay diidayaan in hal xaakim federaali ah uu kaligii go’aan u gaaro dalka oo dhan

XS
SM
MD
LG