Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Jabuuti oo Ansixiyay in Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Laga Dhigo 25%


Baarlamaanka Jabuuti oo ka kooban 65 xildhibaan ayaa maanta meel mariyay xeer dhigaya in boqolkiiba 25 ay leeyihiin haweenku, iyado marki hore ay haweenku la hayeen boqolkiiba 10.

Xeerkan ayaa dhaqan galaya isla dorashada baarlamanka ee Jabuuti ka qabsoomi doonta 23 bisha Feb 2018.

Xildhibaannada mucaaradka ee BaarlamankaJabuti ayaa ku doodaya in tirada kuraasta dumarka la kordhiyo oo laga dhigo 50%.

Wariyeheenna Ramadaan Muuse ayaa Xildhibaan Ducaale Cigge Coofle oo ka tirsan mucaaradka weydiiyay sababta ay u rabaan in tirada dumarka loo kordhiyo.

Dhageyso Xildhibaan Ducaale
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:46 0:00

Dinaca kale, Ramadan Muuse, waxa uu sidoo kale wareystay xildhibaan Caasha Dhabar Ceelle oo ka tirsan mudanayaasha muxaafadka, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida ay u aragto xeerka uu baaralamanku gudbiyay.

Dhageyso Xildhibaan Caasho oo soo dhaweysey arrintaas
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00

XS
SM
MD
LG