Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Reer Liberia oo Maanta Sugaya Natiijada Doorashada


madaxweyne ku xigeenka Joseph Boakai iyo Goerges Weah oo horay usoo noqday laacib kubada cakta ah, ayaa ku tartamaya doorashada
madaxweyne ku xigeenka Joseph Boakai iyo Goerges Weah oo horay usoo noqday laacib kubada cakta ah, ayaa ku tartamaya doorashada

Dadka reer Liberia ayaa maanta oo Khamiis ah ka war-dhowraya qofka uu noqon doono madaxweynahooda lixda sano ee soo socota.

George Weah oo ah ciyaaryahanka kaliyah ee African ah ee noqda laacibka ugu wanaagsan ciyaartooyda kubadda cakta aduunka iyo Joseph Boakai oo ah madaxweyne ku xigeenka Liberia ayaa ku tartamay wareega labaad ee kala baxa ah ee doorashada madaxtinimada.

Qofki guuleystaa wuxuu beddeli doonaa madaxweynaha uu waqtigeedu dhamaaday Ellen Johnson Sirleaf.
Gudiga qaran ee doorashada Liberia ayaa hadal qoraal ah oo ay ku faafiyeen bogga ay ku leeyihiin Facebook, ku sheegay in ay maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqayaan nariijada.

XS
SM
MD
LG