Afhayeenka aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka oo sharcidarro ku tilmaamay go'aanka uu hogaamiyaha mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny ku codsanayo in aan la codeynin doorashada madaxtinimo ee sanadka soo socda dalkaasi ka dhacidoonta.
Alexei Navalny ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay qaadacaan doorashada 18-ka bisha Maarso, kadib marki ay Isniinti shalay aheyd guddiga doorashada ka horistaageen inuu u tartamo doorashada.
Guddigu ayaa sheegay in go'aankooda ay u cuskadeen danbiyo musuq-maasuq ah oo lagu soo eedeeyey, Alexei Navalny iyo taageerayaashiisa oo ay labaduba ay ku tilmaameen eedo siyaasadi ka danbeyso.