Wasaaradda Difaaca Sacudiiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay gantaal ay malleeshiyaadka Xuutiyiinta dalka Yemen maanta oo Talaada ah ku tuureen magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.
TV-ga laga leeyahay dalka Sacuudiga ee al-Arabiya, ayaa ku warramay in saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca u xaqiijiyeen in laga hortagay gantaalka.
Telefishan kuhadla afka xuutiga, ayaa sheegay in ay Sacuudiga ku rideen gantaal ay ugu magac dareen Burkan-2.
Muuqaalo ay baraha bulshada ku faafiyeen goob-joogayaal ku sugan Riyadh ayaa tusinaya qaac madow oo cirka isku shareeray, hase yeeshee wali lama soo sheegin wax khasaara ah.
Isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa dagaal culus kula jira dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta dalka Yemen. Sacuudiga ayaa ku eedeeya Iran in ay hubeyso kooxda Xuutiga