Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump "Flynn si aan caddaalad ahayn ayaa loola dhaqmay"


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in baarayaasha faro-gelinta Ruushka ee doorashada Mareykanka ay si aan caddaalad ahayn ula dhaqmeen la-taliyiihiisii hore ee amniga qaranka Michael Flynn.

“Waxaan u damqanayaa Jeneral Flynn” ayuu yiri Trump oo weriyayaasha la hadlay “Wuxuu haystay nolol aad u xooggan, waana ka xumahay hadda”.

Flynn ayaa jimcihii qirtay inuu uga been sheegay FBI-da bishii January ee lasoo dhaafay xiriirka uu la sameeyey safiirka Ruushka ee Mareykanka.

Trump ayaa beenta Flynn ee FBI-da la meel dhigay hadalladii ay Hilary Clinton u sheegtay FBI-da mar wax laga weydiinayey isticmaalkeeda email shaqsi ah, intii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

“Hillary Clinton waxay u been sheegtay FBI-da marar badan, balse waxba lagama qabin. Flynn been ayuu sheegay laakiin noloshiisa ay burburiyeen. Taasi wa aceeb” ayuu yiri Trump.

XS
SM
MD
LG