Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar culus oo lagu qaaday jaamacad ku taal Pakistan


Koox ismiidaamiyayaal ah oo ka kooban afar qof ayaa weerar ku qaaday jaamacad ku taalla waqooyi galbeed ee dalka Pakistan, halkaasi oo ay ku dileen 9 qof, kuna dhaawaceen in ka badan 35 kale.

Booliska Pakistan iyo ciidamada ayaa hareeyey jaamacaddan beeraha ee ku taalla magaalada Peshawar, halkaasi oo ay ka billaabeen howlgal bad-baadin ah.

Dagaal ay la galeen kooxda argagixisada ayaa qaatay dhowr saacadood, waxayna ku dileen dhammaan mintidiinta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay milatariga. Waxay sidoo kale sheegeen in laba askari ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Inta badan dhibanayaasha weerarkan ayaa ahaa arday, sida ay sheegeen dhaqaatiirta isbitalka magaalada.

Kooxda Daalibaan ee Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Waxay sheegeen in jaamacaddan ay xiriir la leedahay sirdoonka Pakistan, ayna halkaasi ku dilee xubno ka mid ah.

XS
SM
MD
LG