Isku xirrada

Korea-da Waqooyi oo tijaabisay gantaal gaara Mareykanka


Korea-da Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal qaaradaha isaga gudba markii ugu horeysay tan iyo bishii September, taasi oo dib usoo cusbooneysiisay xiisad, xilli Pyongyang ay sheegtay inay ku dhufan karto meel kasta oo Mareykanka ka mid ah.

“Gantaalka cusub ee qaaradaha isaga gudba ee Hwasong-15 waxaa loo tijaabiyey si guul leh, sida ku cad go’aanka siyaasadeed iyo midka istaraatiiji ee xisbiga Shaqaalaha Korea” Waxaa sidaas laga sheegay taleefishinka qaranka Korea-da Waqooyi ee KRT.

Waa markii ugu horeysay ee Korea-da Waqooyi ay tijaabiso gantaal horumarsan oo duulay waqti ka dheer dhammaan gantaaladii ay horey u tijaabisay.
“Gantaalka Hwasong-15, waxa uu awoodaa inuu ku dhaco meel kasta oo ka mid ah qariiradda Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan laga baahiyey wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi ee KCNA.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka jawaabayey tijaabada Korea-da Waqooyi ayaa sheegay in Mareykanka uu xalin doono Korea-da Waqooyi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG