Isku xirrada

Kenyatta oo xilli labaad loo dhaariyey madaxweynaha Kenya


Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo dhaariyey xilli cusub oo hoggaanka dalka ah, kadib guushii uu ka gaaray doorashadii mucaaradka ay qaadaceen ee dhacday bishii October.

Dad gaaraya 60,000 oo qof ayaa buuxiyey garoonka kubadda cagta Kasarani ee magaalada Nairobi oo xafladda lagu qabtay.

Ka hor inta aysan billaaban xafladda ayaa booliiska waxa ay gaaska dadka ka ilmeysiiya ku fureen dadweyne isugu soo baxay banaanka garoonka, kuwaas oo isku dayayey inay xoog ku galaan gudaha garoonka.

Islamarkaana booliiska ayaa sidoo kale gaas ku furay isu soo bax ay qeybo ka mid ah Nairobi ka sameeyeen taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo doonayey inay xusaan dadkii lagu dilay isku dhacyadii horey u dhex maray ayaga iyo booliska.

Kenyatta ayaa markii hore doorashada ku guuleystay bishii August, hase yeeshee maxkamadda sare ee dalkaas ayaa nasakhday natiijada doorashada ayada oo sheegtay inay qaladaad ka dhaceen.

Doorashadii labaad oo dhacday October ayaa Kenyatta waxa uu ku guuleystay 98% codadka, kadib markii uu qaadacay musharaxa mucaaradka Raila Odinga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG