Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suufiyiinta Masar oo wacad ku maray xuska nebiga NNKH


Muslimiinta Suufiga ah ee dalka Masar ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay sii wadaan abaabulista xafladaha loogu dabbaal degayo dhalashada nebi Muhammed NNKH, inkasta oo qarax lala eegtay masjid ay isugu yimaadeen lagu dilay 305 qof, islamarkaana lagu dhaawacay 128 kale.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhacay jimcihii, oo dalka Masar laga rumeysan yahay in si ula kac ah loola eegtay Suufiyiinta masjidka Al-Rawdah.

Kooxaha mintidiinta Islaamiga ah ayaa aaminsan in Suufiyiinta ay yihiin murtadiin.

Suufiyiinta ayaa sheegay inay dhalashada nebiga NNKH xusi doonaan jimcaha soo socda, ayaga oo xaflado ku qaban doona dalka Masar oo idil, iyo masjidka Qaahira ee Al-Hussein, oo ka mid ah masaajidda ugu caansan dunida Islaamka.

Madaxweynaha dalka Masar Abdifatah el-Sissi ayaa amray saddex maalin oo loogu baroordiiqayo dadkii lagu xasuuqay weerarkii masjidka Al-Rowdah.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey rag lagu qiyaasay 25 illaa 30 mintidiin ah oo ayaga oo ku qeylinaya Allahu Akbar rasaas ku furay 500 oo qof oo ku sugnaa gudaha masjidka.

XS
SM
MD
LG