Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Shiinaha


Debris is seen after an explosion in Ningbo City, in China's eastern Zhejiang province, in this image from a handout video obtained by Reuters, Nov. 26, 2017.
Debris is seen after an explosion in Ningbo City, in China's eastern Zhejiang province, in this image from a handout video obtained by Reuters, Nov. 26, 2017.

Qarax ka dhacay magaalada xeebeedka Ningbo ee Bariga dalka Shiinaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan laba ruux, halka ay ku dhaawacmeen tobneeyo kale.

Qaraxa ayaa dhulka dhigay dhismooyin, iyadoo sidoo kalana laga dareemay xaafado dhowr kilomitir u jira goobta ay wax ka dhaceen.

Waxaa soo baxaya warar is-khilaafsan oo ku saabsan waxa qarraxa sababay. Qaar ka mid ah warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in qarraxu uu ka dhacay warshada, halka warar kale ay sheegayaan in qarraxu ahaa guri la rabay in la dumiyo ama mar horeba la dumiyay.

Magaalada Ningbo ayaa waxay 100 dhinaca koofureed ka jirtaa magaalada Shanghai.

Saraakiisha ayaa sheegay in aysan wali xaqiijin waxa sababay qarraxaasi. Shiinaha ayaa waxaa caan ka ah shilalka ka dhaca goobaha warshadaha leh.

XS
SM
MD
LG