Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Joojinaya Hubka uu Siiyo YPG


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay dhigiisa Turkiga in Mareykanka uusan sii hubeyn doonin dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Syria.

Hadalkan ayaa sida laga soo xigta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu Trump ku sheegay wada hadal dhinaca taleefanka ah oo ay labada madaxweyne yeesheen Jimcihii shalay.

Sida uu sheegay Cavusoglu, Trump ayaa sheegay inuu bixiyay awaamiir cad cad oo ku aadan in aan la hubeyn karin kooxda YPG.

Waxaa kaloo uu soo xigtay madaxweynaha Mareykanka inuu yiri – arrintan macno darada ah waxey aheyd in waqti hore ay joogsato.

"Wey naga farxisay inaan maqalno si cad inaan la sii hubeyn doonin urur isku dayaya inuu burburiyo Syria. Runtii waxaanu dooneynaa in aanu aragno balanqaadkan oo fula.”

Madaxweyne Erdogan iyo Trump ayaa sidoo kale ka wada hadlay iibsiga qalab milatari oo uu Turkigu ka soo iibsado Mareykanka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad habeenkii Jimcaha.

Trump ayaa u sheegay Erdogan inuu dib u habeyn ku sameynayo taageerada milatari ee Mareykanku siiyo kooxaha ologga la ah ee Syria, laakiin warbixintu ma aaney carab dhabin YPG.

Mareykanka ayaa u arkay maleeshiyadani awoodda ugu wanaagsan ee dhinaca dhulka ah ee la dagaalami karta kooxda Daacish. Halka xukuumadda Ankara ay u tixgeliso dagaalyahanadi koox argagixisa ah oo xiriir la leh jabhadda gooni u goosad ah ee Kurdiyiinta Turkiga.

XS
SM
MD
LG