Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Robert Mugabe oo iscasilay


 Robert Mugabe
Robert Mugabe

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

Afhayee Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan “Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda…taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa”.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe.

Dabaaldegyo ayaa ka billowday xarunta baarlamanka kadib dhawaqa uu sameeyey Mudenda. Sharci dejiyayaasja ayaa xarunta baarlamanka u joogay inay mooshin xilka uga qaadaan Mugabe oo 93 jir ah, kaasi oo Zimbabwe xukumayey 37 sano.

Mugabe ayaa tan iyo toddobaadkii tagey wajahayey cadaadis ku saabsan inuu iscasilo, markaasi oo milatariga ay la wareegeen xarumaha dowladeed ee ugu muhiimsan, islamarkaana xisbigiisa ZANU-PF ay ugu baaqeen inuu iscasilo.

XS
SM
MD
LG