Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka billowday dalka Kenya


Rabashado xoogan ayaa ka billowdey deegaanka Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga.

Mudahaaadyo ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro ka careysan go’aankii maxkamada sare ee dalka Kenya ay ku diidey Isniinnta maanta ah dacwad ka dhan ka doorashada madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa halkaasi ka socdo.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ayiday doorashadii bishii October ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ku guuleystay 98% kadib markii mucaaradka ay qaadaceen.

Doorashadaas ayaa waxaa codadkooda ka dhiibtay kaliya 39% dadka gaaraya 19.6 milyan ee qof ee u diiwaan gashan inay codeyn karaan, sida uu sheegay guddiga doorashada Kenya.

Wariyaheena Sahra Cabdi Axmed ayaa warkan inoo haysa.

Dhageyso warbixinta rabshadaha Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:18 0:00

XS
SM
MD
LG