Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jahwareer siyaasadeed oo weli ka jira Zimbabwe


Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska casilo.

Warar soo baxay Khamiistii ayaa sheegayay in Mugabe uu ka biyo diiday inuu xakunka wareejiyo.

Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma oo ay Dowladiisu dhexdhexaadinayso Milatariga dalka afganbiyay iyo Robert Mugabe ayaa sheegay inaysan muuqan xal deg deg ah oo laga gaaro xaaladda Zimbabwe.

Milatariga Zimbabwe ayaa talada dalka la wareegay Talaadadi, waxana ay u muuqataa in ay soo afjarayaan ku dhawaad 40 sano oo uu dalkaasi xakumayay madaxweyne Robert Mugabe oo hadda ah 93 jir.

XS
SM
MD
LG